Kulan xal loogu raadinayo dagaalbeeleed ka dhacay Jowhar ayaa waxa uu maanta ka furmay magaaladaas.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay tan iyo intii uu bilowday Dagaal beeleedkan oo dad badani ku dhinteen ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka shabeelaha dhexe waqti maamulka Jowhar uu ku guul dareystay in uu heshiisiiyo beelaha dagaalamaya.
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay dagaallo Khamiistii ka bilaawday tuulooyinka dhanka bari ee magaalada Jowhar,maleeshiyaad kala taabacsan beelaha Shiidle iyo Max’med Muuse(Abgaal) ayaa dagaal fooda is daray kadib markii ay isku qabsadeen dhul beereed.
Xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu dilay 2 qof oo aana qabiil ay labada dhinac isaga kala dileen sidoo kale tuulooyin ay shacab deganyihiin ayay iska gubeen maleeshiyo beeleedyada dagaalamaya.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka shabeelaha dhexe ayaa qiray in dagaalkaasi jiro wuxuuna ugu baaqay labada dhinac ee dagaalamaya in ay joojiyaan xabadda.
Beelaha Shiidle iyo (Abgaal) ee Max’med Muuse ayaa heshiis buuxda waxaa horay u kala dhex dhigay maamulkii Xarakada Shabaab ee gobolka Shabeelaha dhexe ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade balse markii Jowhar ay qabsadeen ciidanka AMISOM ayay colaaddu dib usoo laba kaclaysay waxaana laysku heystaan dhul beereed.
Halkan ka dhegayso.
jowhar