Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya iyo wafdigiisa oo Addis Ababa uga qeyb-galay dabbaal-degga munaasabadda 50-guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Midowga Afrika ayaa maanta ku noqday magaalada Muqdisho.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo saraakiil sare oo ciidan.
Madaxweyne Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka ayaa ka warbixiyay natiijada shir madaxeedka Midowga Afrika, isagoo soo dhoweeyay war-murtiyeedka ka soo baxay urur-goboleedka IGAD ee dowladda federaalka ugu baaqay inay shir dib u heshiisiineed Muqdisho ku qabato oo ku saabsan arrinta Jubbooyinka.
Daafeet.Com