Gudoomiyaha Gobolka Bay Mudane Cabdi Hoosow ayaa beryahan dambe ku xanuunsanaa Magalada Baydhabo, Kolkii ay dhaqaatiirta ku sameeyeen baaritaan ayaa waxaa la ogaadey in uu la xanuunsan yahay Cudurka Malariyada.
Dowlada Federalka ayaa si deg deg ah ugu dalabtey Amisom in laga soo qaado magalada Baydhabo laguna daweeyo isbitaalada ey Amisom ku leeyihiin Magalada Muqdisho, Waxaana ay isla markii Amisom xooga saartey in ey u diraan Helecoptar waxaa uu hada ku sugan yahay isbitaalka ey Amisom ku leedahay Magalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Bay waxaa maanta isbitaalka ku booqdey Odey dhaqameedyada Digil iyo Mrifle ee ku sugnaa magalada Muqdisho ayagoo sheegey in hada uu aad uga fiican yahay sidii horana uu dhaamo.
Waxaa kaloo Gudomiyaha isbitaalka ku booqdey Gudiga Farsamada iyo Madax ka socota Wasaarada Arrimaha Gudaha waxaana la rajeynayaa in uu isbitalka kasoo baxo maalinta bari oo Sabtiga ah.
Daafeet.Com
Allaha caafiyo walaalkeen Gudoomiyaha
Comments are closed.