Kulan boorka looga jafayay heshiisyadii duugoobay ee u dhexeeyay Jufada Ceyr ee beesha Habargidir iyo Beelweynta Gare ayaa waxa uu maalintii shalay ka bilowday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.
Kulankan oo socon doona mudo sedex cisho ah ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa sidii loo soo celin lahaa Isbahaysigii u dhexeeyay labada dhinac Jufada Ceyr ee beesha Habargidir iyo Beelweynta Gare iyo weliba sidii labada qaybood ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen wax ay labada dhinac ugu yeereen “Kooxda Koyto diidka” kuwaasi oo ay ula jeedaa dadka Asal ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose.
Kulankan oo abaabulkiisu lahaayeen Shaqsiyaad magac leh oo kasoo jeeda Jufada Ceyr ee beesha Habargidir ayaa waxaa hadana la shaaciyay inuu fidiyay gogosha kulanka Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) si loo muujiyo in maamulka gobolka Shabeelaha hoose uu haatan diyaar u yahay in Jufada Ceyr ee beesha Habargidir ay dib ugu soo laabtaan gobolka isla markaana ay beel weynta Gare kusoo dhowaynayso .
Kulanka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii beelweynta Gare u sii ahaan lahayd gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose taasi oo layla qaatay iyadoo Jufada Ceyr ee beesha Habargidirna ay balan ku qaaday inay awoodeeda isugu gayn doonto sidii maamulka gobolka Shabeelaha hoose ay u sii hayn lahaayeen beesha Gare waxaa sidoo kale labada dhinac ay qoraal ku kala qaateen qodobadan:
1- In qof walba oo loo soo magacaabo deegaanka oo aan ahayn beesha Gare lagu furo qalalaanse siyaasadeed iyo mid nabadgelyo.
2- In hadii ay dhacdo in beesha Gare aysan helin maamulka sare ee gobolka in ay maamulaan degmooyinka kala ah Afgooye,Awdheegle,Qoryooley iyo Wanlaweyn.
3- Waxaa kaloo laysla gartay in hadii aysan suura gal noqon in afartaas degmo ay Gudoomiye ka noqdaan shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Gare ay Jufada Ceyr ee beesha Habargidir gacan ku siin doonto beesha in degmooyinka Afgooye,Awdheegle, Wanlaweyn iyo Qoryooley ay ka noqdaan gudoomiye ku xigeen si loo gaaro ujeedada Jufadu ay ka leedahay gobolka.
Kulankan oo loo balamay inuu soo gabagaboobo maalin-nimada beri ee Jimcaha ah ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aamo ladoonayo inay labada dhinacba ay si siman u wada fuliyaan.
Dhanka kale qaar ka mid ah shaqsiyaadkii kulanka ku matalayay magaca Jufada Ceyr ee beesha Habargidir ayaa kulanka waxay ka sheegeen inay aad u danaynayaan misna ay rabaan in ay nabad kula noolaadaan guud ahaa dadka deegaanka gobolka maadaama laga daaley dagaal iyo qori ayna la shaqeysan karaan qof walboo loo soo magacaabo deegaanka waxayna hoosta ka xariiqeen in ay haboon tahay in laga shaqeeyo nabadeyta dadka iyo deegaanka gobolka Shabeelaha hoose.
Si kastaba arintu ha aahaatee carqalada ka taagan gobolka Shabeelaha hoose ayaa ah mid u baahan in wax badan laga qabto taasoo ay ugu horeyso in qof walba uu fahmo ama uu garto in 22 sano qori wax lagu qaban waayey loona baahan in deegaan walba loo dhiibo dadkii lahaa kuwa aan deegaanka wax ku laheyna ay u hogaansamaan sharuucda deegaanka u taala.
Daafeet.Com
[…] www.http://daafeet.com/?p=7040 Kulan lagu abuuraayo isbaheysi cusub oo socon doona muddo seddex cisho ah isla markaasna u […]
@abdi adeer shirka maa qarineysaa? aabahey ayaaba loogu yeeray, shirkana wuxuuna kadhacey guriga Taliyihii hore Police ka Afgooye ee Galgalow, wuxuuna kuyaal xaafada Xaawo Taako ee Degmada Afgooye, cabdiyow waxaa reerkaga ceyb ugu filan markii la idiinkaga soo guuleystey siyaasadii Digil ayaad rabtaan inaad reerkena adeegsataan, walaal waa idiinku fahansanahay, wacdaraha kulanka maanta oo Jimce ah lasoco, war Digil kalsooni kala imow, kadibna nala hadla, reer Afgooye soo weydii waxaan maanta idiinku dhigi doonto!kkk
@daafeet.com nimanyahow ani waa idiinla yaabey dhuusadii ladhuusaba waa ogtihiin, yaa idiin warama, ma odayaashaa wariye idiinku jiraana, Wallee Website culus iga dheh, ileyn naac naac wax matartee!kkk
Wallahi arrintaan waa mid laga naxo
haddii Ceyr ay rabaan iney DIGIL la noolaadaan, Garrena rabo in dadka Deegaanka
la Gumeysto asna noqdo askartii dadkaas leyn lahaa
asc markahore waxaa halkaan ugu mahad calinayaa allah marka lawaat bahdawabseetka daafeet.com falis hadii dalka reer gowalka shabelaha hoose loo ifinin cadowgooda waa dhibkeeda leedahay walaaliyaa cadawga nagu dhax jiro halmeel aan uga hor istaakno hadii kale qaskaan ayaan ku jireeynaa walaaliyaaa af wax mataro ee ficil aan ula hortakno waan ognahay dhamaanteen waxaa lasoo kulanay dhibaatooyin fara badan
salaan kadib.maalmahan daafeet iyo kuwa kale lamid ah in ay wadaan dagaal ka dhan ah ,beesha garre .waana wax qof walba caqli leh dareemi karo . garre waa beel kamid ah beelaha aw digil xaqna u leh in uu wax ka noqdo degaanka heer gobol iyo heer degmo, taas ma ahan wax u baahan tageero ceyr iyo qabiil kale waa xaq asal ah . sida la wada ogsoon beesha garre waa beesha kaliye dagaal u soo gashay gobolka,ururkii d.s.a. dadka aasaasay iyo dadka madax ka ahaa waa rag garee ah.marka hadii qalad uu sameeyo qof ka mid ah ma ahan micnahaa beesha oo dhan in ay isla qabto arintaas . hadiise beelaha aw digil ay rabaan in ay garre u diidaan in uu wax noqdo wax u socon karo ma ahan ,waa arin ficil iyo xaasidnimo ku jirto ,wax loo dulqaadan doono ma ahan .
Horta waxa fcn in xaqiiqda laga hadlo .wbka hal run ah masheego wan layaabey .mida kale waxad iska dhigtiin dad u taagan Hormarka digil .lkn badalkeeda waxad u taagantiihin bur burinta iyo kala qebsananta dadka walaalaha ah .
salaan kadi dhaman aqriis yaasha waxan waydiin wbe dafeet ma waxa lofurey beesha garre in lugu caayo beesha garre gobalka wa uso dagaalant dafeet qoragaga qaada dagalan gudomiya wad noqanay
War nimanhow Dadkaan ila arka caadifada ka buuxdo maxaa rabtaan in la qariyo gare iyo cery shirkooda?
War hadad Gare tihiin ama aad u danqaneysaa waxa laga qoro Gare runta u sheega tuuga idin matasha oo magaciina meel walba la fadhiya inuu shir ka dhacay afgooye oo ay Gare iyo Ceyr shireen wax qarsan ma aha oo ey maantana shiren maalinta isninta ahna ey balansan yihiin.
Aduunka hada la joogo waxaad rabto waxaad ku ogaan kartaa daqiiqad, Fadhi ku dirirka iska dhaafa iyo dad necbeysiga ee telfoono dira dadkiina weydiya inuu shirka dhacay iyo in kale ayagaa idiin sheegi doona.
Webka daafeet waxaan idinka codsaneynaa wax walboo cusub ee soo kordha nala soo socodsiiya iska daaya nimankaan fadhi ku dirirka ah oo aan deegankaba wax ku laheyn hadana raba iney kula hishiiyaan Ceyr sidey dhulka u maamulan lahaayaan, Midka leh gare hadaan wax la siin wax ma soconaayo gare 7 sano eyey Gobolka ka talineysey mexey u qabatey gobolka oo aan aheyn 28 Isbaaro iyo dhac. Somali wexey ku maah maahdaa meel ka maqnow ama ka muuqo laakiin soo taagnow waxna ha qaban waa foolxumo.
KKKK qori qaado gudoomiye waa noqney kuye war niyahow waa dhunsan tahay ee ilaahey haku soo nahuuniyo maxaa rabtaa in aad wax kku noqoto dhiig aad gasho subxana laah.
Adiga oo hada qori qaadey oo dad diley aa hadana waxba aadan noqon doonin intaad soo ahaatey ilaahey hakugu anfaco dhulka dhiig dambe in lagu daadiyo waa xaraan ee qoriga aad geelka ku raaceysey horey u qaado geelkaadana hore u raac.
Markii horaba reer guuraa aa eheyd.
kkkk waan idin salamay asbta iyo bahda daafeet waad ku mahadsantihiin fikirkiina ku aadan beesha garre waayo wax kaloo aad ka hadashaan maba haysan ayaan u maleynaa war dadka isku keenistiisa maad ka hadashaan walalha maxaa leyskugu diraa garre waa dad awood leh oo mideysan sxb gadoomiyahana digil oo dhan ayuu ka dhaxeeya qasatan dadkiisa sharaftooda meel ugama dhacayo ok dadka isku keena faraha ka qaada dr c/qaadir isku deya inaad asaga la shirtaan oo aad waxad qabtaan usheegtaan lakiin meshaan haka calaan calina masuulkana meel ha uga dhacina mahadsanidiin daafeet.com
falis ama waxaad rabto soo qaado sxb xsisada digil yaaba kala wada oo soo saaray waa garre asagaana humuud ka ah shirkaad sheegeyso waa wasiir ku xigeenka arimaha gudha iyo gadoomiye c/qadir waxaana laga hadlaayay canshuurta universal ayuu ka hadlayay gadoomiyaha wuuna ka war bixiyay ee dacaayada wa ok ileen qofka markii mas uul yahay mucaarad ma waayo runtaa waxay tahay midaas garre in toos loo aaado waxaa keenaya guusha ayuu u horseeda gobolka siyaasadiisa ayuu meel mariyay kursiga ugu sareya gobalka ayuu haystaa marka hadalkiina waxaba kama dhibaayo ogaada xilkaas waxaan u haynaa dadka gobolka oodhan ku nool qaasatan digil no mirifle no raxweyn bcz ayagaba xaqooda soo dhacsan wayay kuwaas jubada hoose ayay ka hadli la,ayihiin marka digil is the best viva gadoomiye
@abdi koleey anaga waxaa naga go’an inaan Dadka ladhaqano, si nolosheena u SERVIVE gareeno hadaan nahay H/gidir, xataa Hawiye, Garra-ha aad sheegeysana waa anagoo kale kumalahan Sh/hoose Hal degmo, marka labo qaawan isma qaado!kkk, bye bye.
@bahda Website-kana mahadsanidiin, sida aad ugu adeegtaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kudhaqan Sh/hoose.
Asc/salaam ka dib aniga waxaan la yaaban nahay AW GARE an u heysanay walaalkeena innuu yahay ma horseed u noqday H/gidir caer haddaba yaa la aamina wa walaal noqoday wareebe taber wayey oo U yeertay warabyaal kale annaka maxaa nadaba dhegay H/Gidir dhulkooda ma degani mana rabno ee garow saan as dhaam dadka degaanka la hashii mise waxaad isleydahay H/gidir iigaa ah wasiirka arrimaha gudaha iyo R/wasaaraha abti iyo seedi ayuu u yahiin jagadaada ku ilaalso Aw-Sidiyow ragaas amin ma galaan ya daaqadda laga bixinin ee dadkaaga dhenac ka raac halka ayaan uguu baxayaa ka fiirso inta falin///// Asw
Habargid wa inay dhulkooda radsadaan Galgaduud iyo dhusa mareeb iyo cadaado wa inay ku labtan. Dhulka kan wa dhulki D.Mirfle Hadii ay isku dayaan inay been ku so degan dhulka, weligood ba xaaran ayey ku noolayeen, waan iska dhicnynaa, halqofna kma joogi doono dhulkaaas. dagaal ka dhan ah aya sugeysaan mar dhow.
Garrow Dulmi Daa’inkey Daah Masaare Ded iyo Duur maaleysku deehaa. Garrow Dhax Dhaxaad. Dowlo ka Dowlo.
Comments are closed.