Shirkii Jaban oo lasoo gabagabeeyey iyo dowlada Jaban oo Somaliya ugu deeqdey 55.4 Milyan

0
42

xasan shShir madaxeed ay si wadajir ah u guddoominayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Japan Shinzō Abe ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Yokahama ee dalka Japan, waxaana ka qeyb galay madaxweynayaal ka socday dalalka Bariga Afrika.

Shirka oo hal maalin socday ayaa looga hadlay sidii ay bulshada caalamka isaga kaashan lahayd arrimaha ammaanka, gargaarka iyo horumarinta Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa Soomaaliya ugu deeqday $55.4 milyan oo ay ugu talagashay dib u dhiska ciidanka qalabka sida, waxayna ballan-qaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Raysul wasaaraha Japan Shinzō Abe ayaa xaqiijiyay in dalka Japan tababar lagu siin doonto saraakiisha sarsare ee ciidanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inay Soomaaliya mareyso xilligii ku habboonaa ee la gacan qaban lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G8 oo ka dhacaya magaalada London 15-ka bisha soo socota ee June, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaali ah lagu casuumo shirka G8.

Daafeet.Com