Ciidamada Dowlada oo maanta howlgalo ka fuliyey Degmada Warta Nabada

0
59

Ciidamada dowlada iyo kuwa amison ayaa saaka aroortii hore ku jarmaadey xaafadaha ey ka kooban tahay degmada Warta Nabada halkaas oo ey ka fulinayeen howlgalo ey kusoo qabqabteen dhalinyaro aad u tira badan.

Ciidamada howlgalka sameynayay ayaa guryaha mid mid u galayey waxa ay ku soo qabteen howlgalkooda dad gaaraya 300 oo qof badankoodna la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro,

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaan jirin wax isu socod ah oo degmada ka jiray ayadoona ciidamada si koox koox ah ay u taag naayeen wadooyinka soo gala iyo kuwa jid cadayaasha ee degmada Warta Nabada.

Dadka ku dhaqan gobolka banaadir ayaa sheegaya in dadkan lasoo qabqabtey hadii dambi lagu waayo xataa aan la sii deyn ayagoon reerkooda laga qaadan lacag gaareysa ilaa iyo laba boqol arintaas oo aan aheyn wax fiican dowladana laga doonayo in ey fiiro gaar ah u yeeladan howlgalada  dhalinyarada lagu soo qaqabanayo si cadaalada loo helo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku aadan howlgalkii saakay ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com