Dagaal qasaare geystey oo ka dhacay duleedka Degmada wanleweyn

0
110

amisDagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shaley gelinkii dambe ka dhacay duleedka Degmada Wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose.

Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyey Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Alshabab dagaalkan oo geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Wararka laga helayo deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

AMISOM oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab kusoo qaaday ciidammo ka tirsan kuwooda oo dayactir ka waday jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, ayna gacanta ku dhigeen dhaawacyada qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee dagaalka la galay.

Ma sheegin AMISOM khasaare kasoo gaaray dagaalka, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee AMSIOM ay leedahay lagu gubay goobta uu dagaalku ka dhacay.

Xarakada Al-shabaab oo iyaduna dagaalka ka hadashay ayaa sheegay inay khasaare xooggan ugu geysatay ciidamada AMISOM, balse ma sheegin wixii khasaare ah oo iyaga kasoo gaaray dagaalka.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid si aad ah uga shaqeeyeen kuna guuleysteen, wuxuuna xusay inay gaari dagaal ka gubeen ciidamada AMISOM, askar badanna ay ka dileen.

Daafeet.Com