Markii ugu horeysey labo wasiir arrimo dibadeed gabdho Somali wada ah laba dalna ka soo kala jeeda oo kulmay

5
93

Wasiiradda Arimaha dibadda ee dalka Kenya Iyo Soomaaliya, Marwo Amina Mohamed Iyo Marwo Fawsiya Yusuf Adam ayaa markii oogu horeysay kulmay.

Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya Marwo Aamina Maxamed ayaa xafiiskeeda ku qaabshay Wasiiradda arrimada dibadda ee Soomaalida Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji.

Labadda Wasiir ayaa ka wadda hadlay xidhiidhka labadda dal ee Kenya Iyo Soomaaliya, waxaana Wasiiraada Marwo Aamina sheegtay in wada haddal wanaagsan ay yeesheen Foosiya.

2013, Taariikhda waa markii oogu horeysay labbo wasiir oo Gabdho ah oo Soomaaliyeed kana kala socda Labbo Dal ay kulmaan.

Kenya ayay ciidamo ka joogaan Soomaaliya waxaana laga wada hadlay iskaashiga dhanka Amniga, Kenya Iyo Soomaaliya ayaa ku kala argti duwan Siyaasadda arrimaha Gobalada Jubooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa eedeysay Kenya waxaana Kenya ay si xooggan iskaga fogeysay eedaymahaas.

5 COMMENTS

  1. waa webkii ugu horeyey ee baahaiya sawirada labada wasiir tasoo ka dhigeysa daafey web ku horumaray xaqiiqda u deg dega runta ka fogaanta buun buuninta masha allah

  2. sxbyaal waadku mahadsan tihiin shaqadiina wacan oo na qancisey hadaan nahay Shacabka ku dhaqan Buulo Mareer

  3. Wallahi majiro wax dhaliil ah oo aan idiin heyno haba yaraatee, kaliya noogu soo dadaala arrintii kusaabsaneyd isbaheysiga Ceyr & Garre

  4. runtii dafeed.com waa web aat ushaqeeya shaqo fiicanbulshada uhaayo waku amanan yihiin wana webka kaliye ee ree aaw digil ugu afkadheer waxaane kubaraarujinaa in aay xaqiiqda kahatlaan markasta oo aaysan dat kubeen abuuranin si warkiina loogu kalsoonaado.

Comments are closed.