Afahayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Al Shabaab Sh. C/casiis Abu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in weerar ay ka geysteen gobolka Shabelada Hoose ay ku dileen ciidamo ka tirsan AMISOM oo bartilmaameedkooda uu ahaa.
Afahayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Al Shabaab Sh. C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay weerar ay ku qaadeen kolonyo ciidamada AMISOM kamid ah waxa uuna tilmaamy in ay ka gubeen gawaari kuwa dagaalka ah oo uu ku jiro taangi ah, weerarkaasi oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balidoogle iyo Yaaqbari Weyne.
Abu Muscab ayaa sheegay weerarkaasi in ay ku dileen lix askarta AMISOM kamid ah tiro kalana ay ku dhaawaceen, isagoona tilmaamay in sidoo kale weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Yaaqbari Weyne iyo Leego ay ku gubeen gaari kale oo kuwa ciidamada ah.
Sh. C/casiis Abu Muscab Afahayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in weerar ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo ka tagay garoonka Balidoogle kuna sii jeeday deegaanka Yaaqbari Weyne.
Daafeet.Com