Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo la kulmey Madaxa Hey'ada Xiriirka Calamiga ee Jaban

0
84

xasan (2)Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulmay guddoomiyaha hay’ada xiriirka caalamiga Japan (JICA), Akihiko TANAKA, isagoo kala hadlay go’aankii ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ee ahaa in Soomaaliya si toos ah kaalmada Japan loo siinayo dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya u baahan tahay.

Mr. Tanaka ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha Soomaaliya booqadiisha dalka Japan iyo ka qeyb-galkiisa shirka horumarinta Afrika ee Yokohama ka socda, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka gaartay dhinaca ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaguna sidoo kale u mahad celiyay marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay dowladda Japan gaar ahaan ra’iisul wasaare Abe go’aankiisa ahaa in xiriirka Japan iyo Soomaaliya dib loosoo nooleeyo oo ay si toos ah u mucaamilaan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyay guddoomiyaha JICA taasoo ku wajahan xaalada dalka gaar ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-degga ah ugu baahan yihiin.

Guddoomiyaha JICA ayaa ballan qaaday in iskaashi toos ah oo xagga mashaariicda ah ay la sameyn doonaan dowladda Soomaaliyeed, sida in tababarro la siiyo shaqaalaha dowladda kuwaasoo la xiriira maamulka iyo maareynta.

Daafeet.Com