Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

0
94

Booqashada_Japan_6Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Yokohama xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, iyagoo kawada hadlay xafiiska cusub ee ay Qaramada ay ka furayso Muqdisho, ergayga cusub Nicholas Kay oo imaan doona Muqdisho, arrimaha ammaanka iyo sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya.

Ban Ki-Moon ayaa ammaanay dadaalka iyo horumarka Soomaaliya wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyay saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka sunta ah.

Sidoo kale, xoghayaha guud ayaa sheegay in ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga billaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha Qarammada Midoobayna ay u guuri doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isagana ka mahadceliyay doorka weyn ee Qaramada Midoobay iyo sida dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sar-sare ee Qaramada Midoobay ee ka howlgalaya Somalia.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday Qaramada Midoobay inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa loona heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.

Daafeet.Com