Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiyo Somaliya Nicholas Kay oo maanta tegey Magalada Muqdisho

0
63

Nicholas_Kay_UN_EnvoyErgayga cusub ee Qaramadda Midoobay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta yimid Muqdisho si uu ula wareego xilkiisa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa xilka u magacaabay bishii hore xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon isagoo ka noqon doona madax xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ay ka furanayso Soomaaliya ee UNSOM.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Muqdisho imaado iyo inaan helo fursad aan ku taageero dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo nabaddii Soomaaliya,” ayuu yiri Nicholas Key markii uu Muqdisho ka soo dagay.

“Waxaan bogaadinayaa Dr. Mahiga iyo Shaqaalihii UNPOS, kuwaasoo gutay hawshooda, kuna faani kara guulaha ay soo hooyeen. Maanta waxaa billowday waa cusub oo u baryay Qaramada Midoobay iyo UNSOM oo ah hawlgal cusub.”

Mr. Key ayaa sheegay in xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ka furayso Soomaaliya oo dhan uu fursad taariikhi ah u yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Waxayna dadka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay wax weyn fishaan.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in maalmaha soo socda uu Muqdisho kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uuna la kulmi doono xubnaha kale ee dowladda, madaxda AMISOM iyo IGAD, bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada kale ee taageera Soomaaliya.

Daafeet.Com