Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.
Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in ciidamadan ay guryaha mid-mid u galayaan ayna kala soo baxayaan dhallinyarada, iyadoo gudaha degmadaas lagu arkayo barxado waaweyn oo dhallinyarada la isugu geeyay.
Howlgalkan ayaa wuxuu qayb ka yahay howlgallo ay dhawaanahan Muqdisho ka wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo ay saraakiisha AMISOM sheegeen inay yihiin kuwo lagu baadi-goobayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo magaalada ku dhuumanaya.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan howl-galka ay saakay ka wadaan degmada Xamar-jajab, balse waxay sheegeen in ay qabqabateen dhallinyaro badan oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.
Daafeet.Com