Maddaxweynaha Dowlada Federlka Somaliya oo la kulmey madaxweynaha Koonfur Africa kalana hadley dhibta lagu halo somalida

0
63

south iyo xasanMadaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud, ayaa wuxuu kulan gaar ah magaalada Yokohama ee dalka Jaban uu kula qaatay,madaxweynaha koonfur Africa Jakab Zuuma.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Engneer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa war baahinta kaga war bixiyay kulanka labada Madaxweyne iyo waxyaabaha diiradda laga saaray kulankaasi, isagoo sheegay in madaxweynuhu dhiggiisa dalkaasi uu ka dalbaday in sida ugu dhaw wax looga qabto tacadiyada Soomaalida dalkaasi ay la kulmaan .

Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha dalkaasi uu ka aqbalay codsiga kaga yimid madaxweynaha Soomaaliya isla markaasin arintaasi ay baaritaan kusameyn doonaan sida ugu dhaw.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheikh, wuxuu kulan gaar ah Yokohama uu kula yeeshay Xoghaya guud eee QM Banki-Moon, wuxuuna kala hadlay arinta burcad badeedda Soomaalida ah .

Shirka Horomarinta Africa ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Jaban ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

Daafeet.Com