Wafdi ka socda howlgalka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga UNSOM waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhoweyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.
Wafdiga oo ay hoggaamineyso haweeney lagu magacaabo Rania Ibrahim ayaa kulan la qaatay madaxda gobolka Baay.
Iyadoo la hadleysay warbaahinta, Rania ayaa ujeeddada booqashooda ku tilmaamtay mid ay ugu kuurgalayaan xaaladda magaalada Baydhabo iyo sidii howlgalka cusub ee UNSOM uu wakiil ugu yeelan lahaa magaalada.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Cismaan Macallin Cabdi, ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay inay wafdiga uga war bixixyeen xaaladda gobolka, isagoo soo dhoweeyay in howlgalka cusub ee UNSOM uu xafiis ka furto magaalada.
Daafeet.Com