Qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah ee ku jira in ka badan illaa 10 xero oo ku yaalla gudaha iyo daafaha degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horreysay waxay ka hadleen dhibaatooyin nolol xumo oo xilligan la soo darsay, iyagoo sheegay in xaaladaha nololeed ee ka jira xeryahaas ay aad u liidato.
Barakacayaashan oo ay ka mid yihiin kuwa dhowaan gaaray degmadaas ka dib colaado ka soo cusboonaaday gobollada Gedo,Bay iyo Bakool ayaa tiradooda ay ka badan tahay 2500 00 Qoys,iyadoo kuwii ugu dambeeyey ee ka soo barakacay degmada Xudurna la sheegayo in ay gaarayaan ilaa 380 qoys oo ay ka mid yihiin haween, carruur iyo dad kale oo da` ah.
Cabdi Daahir Aden oo ka mid ah guddiga dadka barakacayaasha ah ay leeyihiin oo ku jira xero ku yaalla degmada Luuq oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee u dambeeyey xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ay la soo daristay dad ka badan illaa 2500 oo qoys oo ku jira illaa 11 kaam oo ku yaalla gudaha iyo daafaha Magaalada Luuq, mana jiraan ayuu yiri lixdii bilood ee ugu dambeysay Cid gargaar raashineed u fidisey marka laga reebo agab xaga hoyga ah oo aan ku filneen Qoysaskaasi.
Halkan ka dhegayso warbixinta.
Barakacayaal hor leh oo gaaray Luuq oo codsadey in la gargaaro,wadajir ok
allah u gargaaro walaalaheen raxaweyn meel kasto dhulka somaliya ayagaa qoxooti ku ah aamiin luuq maxa yaalo hada
asc marka hore waxaaan salamaya webka daafeet salaan kadib, waan ka xumahay dadka ku dhibaataysan luuq allahna dhibka ka qaado oo alshabaab baa u sabab ah in dadkeena qaxooti noqdaan,
Comments are closed.