Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey madaxa hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay oo u dhashay waddanka Britain. Waxana uu tilmaamay in hawl-galka cusub ee qaramada midoobey ee Soomaaliya uu kalsooni buuxda siinayo Soomaaliyada cusub.
“Qaramada Midoobey waxa ay bilowday in ay u soo guurto xarunteedii caasimadda Soomaaliya, shaqaduna waxa ay u socotaa sidii loogu talagalay. Waxaad Caalamka u muujiseen in ay suuragal tahay in lala macaamilo Soomaaliya iyadoo ay muhiimad weyn leedahay in aad ka shaqaysaan gudaha Soomaaliya. Waxaan kuugu hanbalyeynayaa masuuliyadan cusub iyo bilaabista hawl-galkan wata waajibaadka cusub” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Ra’iisul Wasaarha ayaa dhanka kale sheegay in hawl-galka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM uu yimi xilli muhiimad gooni ah u leh taariikhda Soomaaliya.
“Annaga oo heleyna taageerada AMISOM iyo mida saaxiibadayada caalamka, waxaa noo suurto gashay inaa wax badan qabano waqti yar gudihiisa. Adduunkuna waa uu arkay horumarka aan samaynay. Weli waxaa na hor yaalla hawl aad u tiro badan oo ku aadan nabadaynta iyo barwaaqynta dalka. ayuu yir Ra’iisal Wasaaruhu.
Dhinaciisana, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ee uu ka helay dhanka dawladda, waxana uu xusay in hawsha UNSOM uu ka balaarnaan doono kii ka horreeyey ee UNPOS.
Daafeet.Com