Diyaad Cabdi Kaliil oo beeniyey inuu taageeray Maamul Goboleedka Jubboland ee Kismaayo looga dhawaaqey

0
44

luuqDiyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Booliska Degmada Luuq ayaa waxaa uu si kulul u beeniyey warar maalmahan dambe laysala dhaxmarayey oo sheegayey inuu si buuxda u taageeray Maamulka lagu muran san yahay ee uu madaxda u yahay Axmed Madoobe,isagoo sheegayna fikirka uu ka qabo maamulkaasi in uu yahay mid aanan loo dhameyn,islamarkaana aanan ka tarjumayn rabitaanka shacabka.

Diyaad oo shir Jaraa,id ku qabtey gudaha Magaalada Luuq ayaa waxaa uu soo dhaweeyey go,aanadii ka soo baxay shirkii Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen Magaalada Adis-Ababa, oo qeexayey in howsha Maamul u sameynta looga dambeeyo Dowlada Soomaaliya,talabadaasina ay tahay mid ay si weyn u taageerayaan.

Diyaad ayaa dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaadey Isbedel lagu sameeyey Maamulkii degmada Luuq,isagoona sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyey Cabdulaahi Kureedow oo horey u ahaa Gudoomiyaha Luuq,waxaana uu sheegay in Xilka Gudoomiye nimo loo magacaabay Axmed Buulle Gareed(Canjeex)

Mar la weydiiyey waxa uu kala socdo xariga Gudoomiyahii hore ee Luuq iyo Isbedel lagu sameeyey Taliska Ciidanka Dowlada ee Gobolka Gedo ayuu sheegay inuu la socdo xariga Gudoomiyahii hore,islamarkaana arimaha  loo xirey isaga ayaa sabab u ahaa,waxuuna ka gaabiyey ayuu yiri howlagalada ka soconaya Gobolka,waxuuna Diyaad uu ka gaabsadey inuu sharaxaad uu ka bixiyo isbedelka lagu sameeyey Taliska Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.

Halkan ka dhegayso

Diyaad Cabdi Kaliil oo beeniyey inuu taageeray Maamul Goboleedka Jubboland ee Kismaayo looga dhawaaqey