Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo maanta ka sameeyeen degmada Shibbis ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof oo u badan dhallinyaro.
Howgalladan ayaa waxay qayb ka yihiin howgallo ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo la sheegay in lagu raadinayo xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya degmooyinka gobolka Banaadir.
Goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamadu ay guri-guri u baareen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Shibbis, wuxuuna xusay in intii uu howgalku socday la xayiray isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Ma jiraan wax wara ah oo ay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ka siiyeen warbaahinta howgalkooda, iyadoo dhallinyarada la qabqabtay loo taxaabay xabsiga, halkaasoo la sheegay in lagu kala saarayo.
Boqolaal waalidiin ah ayaa ku sugan xarumaha ciidamada dowladda sida CID-da oo inta badan dadka lasoo qabqabto la keeno, kuwaasoo askarta weydiisanayay in loo caddeeyo sabata loo haysto caruurtooda.
Daafeet.Com