Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ay wali dil ugu geysato shacabka Soomaaliyeed bar-tilmaameedyada jilicsan, dibna ula wareegtay deegaanno baylah ammaan ay ka jirtay, walow dowladda cusub ay ku dadaaleyso xoojinta ammaanka.
Warbixin Isniintii loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon wuxuu sheegay in dowladda cusub ee siddeeda bilood jirta ay hayso dhabbihii saxda ahaa ee nabad ku soo dabaalidda dalka.
Ban Ki-moon ayaa ku ammaanay dowladda cusub inay xoojisay dadaallada lagu dhisayo hay’ado dowli ah oo macquul ah iyo gaarista deegaannada ka baxsan Muqdisho ee uusan ka hirgelin nidaamka federaalka.
Sidoo kale, Ban wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM ay dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ay u noqon lahayd Muqdisho goob ammaan ka ah falal-dambiyeedyada dhacaya.
Marka laga soo tago ammaanta Ban Ki-moon uu u jeediyay dadaallada dowladda, ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo ciidanka Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in joogitaanka al-Shabaab qeybo ka mid ah dalka uu wax u dhimayo ammaanka shacabka.
Daafeet.Com