Ciidamada Raaskambooni iyo Maleeshiyo Beelaadyo maanta ku dagaalamey Magalada Kismaanyo

0
101

dagalDagaal xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoona dagaalkani uu u dhexeeyay ciidamo beeleed taageersan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Kismaayo garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Kismaayo ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamo beeleedkaasi ku lahaayeen xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

Sargaal ka tirsan maamulka Kismaayo ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kooxo uu sheegay in ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee aada garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilaa imika ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

Daafeet.Com