Madaxweynaha Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamul gobaleedka soomaaliyeed ee Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa kulan ku yeeshay xalay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Jubba-Land iyo guud ahaan xaaladaha soomaaliya, inkastoo aanan wali faahfaahin dheeraad ah aysan kasoo bixin.
Warar ayaa sheegay in lagu kala aragti duwanaaday laba qodob oo kala ah dastuurka iyo maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in dowladda soomaaliya ay wax ka baddeshay qodobbo ka mid ah dastuurka dalka.
Daafeet.Com