Taliyaha ciidamada gobolka Bay ee gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa ku dhaawacmay weerar maanta ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo weerarkaas lagu dilay darawalkiisii.
Dhaawaca taliyaha ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, iyadoo kooxihii weerarka ku qaadayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaas.
Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga uu taliyuhu la socday oo kuwa dagaalka ah, iyadoo weerarkan uu ahaa mid ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, waxaana kooxihii fuliyay ay isla markiiba ka baxsadeen halkii uu weerarku ka dhacay.
Saraakiil ka tirsan gobolka Bay ayaa ku eedeeyay weerarkan inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab inkastoo aysan weli ka hadlin inay ka dambeysay weerarka iyo in kale.
Wararka ayaa sheeagaya in dhaawaca taliyaha booliiska gobolka Bay loosoo qaaday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo uu markii horeba ku soo socday.
Daafeet.Com