Xaalada Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa saaka degan kadib dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada gudaheeda.
Dagaalka shalay dhacay ayaa yimid kadib markii xoogaga raaskaambooni iyo ciidamo uu wato mid kamid ah raga sheegtay Madaxweynaha Jubbaland ay isku dhaceen halkaasina uu ka qarxay dagaal xoogan.
Saraakiisha Raaskaambooni ayaa ku eedeeyay dagaalka shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo inay ka dambeyso Dowladda Soomaaliya oo masuuliyada dagaalkaasi wixii ka dhasha ay qaadayso.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa si iskumid ah uga hadlay dagaalkaasi iyadoo ay ku baaqeen ina la joojiyo dagaalka Magaalada dib uga qarxay.
Walaaca ugu badan ee Dowladda Soomaaliya ka haysta arimaha Kismaayo ayaa ah in Magaalada xaaladeeda ay sidan kasii cuslaato iyadoo markii horeba Madaxda Dowladda ay ka digi jireen in dagaal dhiig ku daato uu ka dhaco Magaalada.
Daafeet.Com.
.
Daafeet.Com