Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo ugu baaqey shacabka Somaliyeed iney la shaqeeyaan UNSOM

0
55

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee QM iyo xafiiskiisa cusub ee UNSOM.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub ee XG ee QM, ahna madaxa UNSOM, Nicholas Key ku soo dhoweyey Villa Somalia oo ay kulankoodii ugu horreeyey ku qaateen ka dibna ay si wadajir ah ula wada hadleen saxaafadda.

“Farxad weyn bey ii tahay inaan Ambassador Kay kusoo dhoweyo Muqdisho isla markaana aan si rasmi ah u soo dhoweeyo xafiiska cusub ee UNSOM.

“UNSOM waxey imaaneysaa waqtigii saxda ahaa oo dalku horumar sameynayo. Waxeyna na siineysaa kalsooni buuxda ee QM iyo sida ay caalamku ugu heelanyihiin sidii Somalia ay u soo kaban laheyd.

“Waxaa jira caqabado fara badan, hase ahaatee waa inaan ka wada gudubnaa oo aan xalkooda u horseednaa. Laakin kaalmo yar oo la siiyo Somalidu waxey bilaabayaan faa’iidada ka soo kabashada dalka oo hadda socda.”

Nicholas Kay oo ah wakiilka cusub ee XG ee QM ayaa yiri,”Waxaan u jeednaa cagaar socda oo ah bilowgii Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed aad bey mustaqbalkooda uga rajo qabaan oo ay naga sugayaan hami aad u sareeya.

“Waxaana ku faraxsanahay kalsoonida Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaana iga go’an inaan arko Somaliaoo dib u soo laabatay, oo nabad iyo barwaaqo dhex taallo shacabka Soomaaliyeed.”

Daafeet.Com