Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay shirar kala duwan uga qeyb galayey qaar kamid ah dalalka caalamka ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Raii’sul wasaare Saacid xubno ka tirsan golahiisa wasiirada iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada xooga dalka.
Madaxweynaha ayaa intii uu dalka kamaqnaa waxa uu shirar kala duwan oo qaarkood quseeyey Soomaliya kaga qeyb galay dalka Japan isagoo sidoo kalena kulamo gaar gaar ah la yeeshay madax kala duwan oo intuba uu kala hadlay wax kaqabashada arimaha Soomaliya.
Wasiirka wasaarada warfaafinta C/laahi Ciil Mooge Xirsi oo kawarbixinayey safaradii madaxweynaha ayaa soo hadal qaday in madaxweynuhu kulan uu layeeshay madaxweynaha Kenya kadib uu qaabilay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxman Faroole halkaasina ay kaga wada hadleen arimo laxiriiray dastuurka amniga iyo horumarinta guud ahaan dalka.
Dowlada Japan ayaa qorsheysay in Soomaaliya dhawaan ay u soo dirto quburo horudhac ah oo indha indheyn ku sameeyey mashaariic dowladaasi ay ka fuliso Soomaaliya sida mar kale uu sharaxay wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya mudane C/laahi ciilmooge xirsi.
Daafeet.Com