Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose inay joojiyaan xiisadda.
Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaallamay Kismaayo ay joojiyaan colaadda, wada hadalna ku dhammeeyaan khilaafkooda.
“Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaallamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wada hadlaan khilaafkaadka dhex yaalla, shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub,” ayuu ku yiri raysul wasaaraha war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada kismaayo ayaa isaguna ku baaqay in la joojiyo dagaalka , kana digay cawaaqib xumo ka dhalan karta dagaal hor leh.
Daafeet.Com