Bananbax looga soo horjeedo Dhibata ey somalida ku heyso Konfur Africa oo lagu qabtey Muqdisho

0
70

BanaanbaxBannaanbax looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ka hadlay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Dibadbaxan oo ka dhacay Dal-jirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan oo watay boorar ay qaarkood ku masawirnaayeen dadkii lagu dilay dalka Koonfur Afrika qaarkood iyo erayo looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida.

“Xukuumadda Koonfur Afrika waxaan ugu baaqaynaa inay raalli-gelin ka bixiso dilaalka iyo tacadiyada dalkeeda loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed ee ammaanka u raadsaday,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika inaysan ahayn wax loo dulqaadan karo, ayna Soomaalida halkaas ku nool dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Guddomiyaha degmada Xamar-weyn, Ibraahim Sahal Gardhuub oo isaguna ka hadlay dibadbaxa ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay uga xumaadeen dhibaatooyinka loo geysanayo walaalahooda ku nool Koonfur Afrika, isagoo sheegay inuu rajeynayo in dadkaas ay dib dalkooda ugu soo laabtaan.

Daafeet.Com