Ergaygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka Kismaayo, isagoo ku baaqay in khilaafyada jira lagu dhameeyo wadahadal.
Danjire Kay ayaa wuxuu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa in wax laga xumaado ay tahay in dagaallo ay ka dhacaan Kismaayo laguna dhameeyo khilaafyada jira si nabadgalyo ah.
Sidoo kale, danjiruhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Qas hor leh oo billowday wuxuu sii dheereynayaa dhibaatada dadka Soomaaliyeeed oo keliya, sidoo kalena waxuu dib u dhigaayaa dib u soo kabashada Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan bulshada caalamka.”
Ergaygu wuxuu sheegay in xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM uu door muhiim ah ka ciyaari doono xallinta khliaafaadyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, innagoo la tashayna buu yiri dhammaan qaybaha ay arrintan khuseyso.
Danjire Kay ayaa dagaalka Kismaayo kala hadlay madaxweynaha Somalia iyagoo isku raacay in laga shaqeeyo sidii lagu joojin lahaa colaaddaas ayna dhinacyadu u sameyn lahaayeen xiriirro ay si nabad ah ugu dhameynayaan khilaafaadyadooda.
Daafeet.Com