Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa ahna gudoomiyaha howlgallka AMISOM ee Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif oo war saxaafadeed Soo saaray ayaa ku sheegay in iminka loo baahneyn horseedida dhibaato hogaamiseysa bur bur mar kale gala dalka Soo kabsanaya,isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaboojiyo xiisadaha ka aloosan magaala Xeebeedka Kismaayo.
“Dagaalka Soomaaliya waa uu dhamaaday,waxa hada la sugayo waa nabad ay ku naaloodaan shacabka daruufaha ka soo gudbay,waxaa habooonaan lahayd in si sharuud la’aan ah ku joojiyaan dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo,ayuu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa Mr Annadif.
Wuxuu sheegay danjiraha Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya in Shacabka Soomaaliyeed iyo hogamiyaal qabaa’ileedka ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan Nabada,islamarkaana ay ku gacan siiyaan ciidamada AMISOM dadaalada ka wadaan gayiga Soomaaliya.
Mr Anadif ayaa fursad ku tilmaamay caawinaada laga helay ciidamada Africaanta,isagoona ku baaqay in laga faa’ideysto lana jooyio muran siyaasadeedka ka dhaxeeya hogaamiyaasha ku dhisan qaabka qabaa’ilka.
Daafeet.Com