Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Kismaayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay ka dhaceeen dagaalo sababay dhimasho ,Dhaawac iyo Barakac baahsan,iyadoo la sheegayo in haatan ay soconayaan dadaalo nabadeed oo lagu Qaboojinayo xiisada halkaasi ka taaga,walow saacad kastaaba ay dhici jaraan dagaalo .
Ugu yaraan 20 ruux oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ahaa ayaa inta laga warqabo ku geeriyootay dagaaladii labada maalmood ka socday Kismaayo, halka in ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana ka mid ahaa dadkaasi qoys uu ku habsaday gurigooda madfac ka mid ah madaafiicdii la isku weydaarsaday dagaalka,
Halkan ka dhegayso wararkii ugu dambeeyey Xaalada Kismaayo oo degan
Dhanka kale Col.Saacid Aden oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan magaalada Kismaayooo aan wax ka weydiinay xaalada amaan magaalada Kismaayo ka dib dagaaladii ka dhacay labadii maalmood ee u dambeeyey ka dib,waxaana uu yiri?