Dhegayso..Dagaal aad u qaraar oo xalay ka dhacay degmada Luuq iyo Ciidamadii Dowlada ee ku sugnaa Garbahaarey oo la beeniyay inay goosteen

0
52
luuq ganaane
Dagaal culus ayaa xaley Saqdii dhexe waxaa uu duleedka degmada Luuq uu ku dhex marey Dagaal yahano ka tirsan Alshabaab iyo Ciidamada Dowladfa,iyadoo dagaalkaasina la sheegayo in uu geystey khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkaani ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay howl gallo ka wadey inta u dhaxeysa Luuq iyo deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ay shaley galab dib ugu soo laabteen degmada Luuq, halkaaso oo Weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Goob jooge ku sugan Luuq ayaa Warbaahinta Wadajir u sheegay iDagaalkii Xaley in Ciidamada Dowlada uu kaga geeriyoodey hal askari,halka labo askarina ay kaga dhawacmeen,mana garan karno ayuu yiri Khasaaraha alshabaab ka soo gaarey Dagaalkaasi.
Halkan ka dhegayso Dagaal ka dhacay Luuq
Dhanka kale Col.Cabdi Bare Cabdi oo ah G/kuxigeenka Kowaad Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay Amaanka Gobolka in xilligani uu wanaagsan yahay,ciidamadana ay haatan u diyaarsan yihiin in ay gaaraan deegaanada kale ee Gobolka,isagoo dhinaca kalena wax kama jiraan ku tilmaamay wara lagu qorey warbaahinta Qaarkood oo ahaa in Ciidamadii ku sugnaa Garbahaarey ay kala tageen . 

Col.Cabdi Bare oo shir Jaraa,id ku qabtey Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay isbedelkiilagu sameeyey dhowaan Hogaanka Ciidanka Gobolka Gedo in uusan wax saameyn ah ku yeelan Ciidanka iyo Maamulka Gobolka,howlaha Ciidankuna ay u socdaan sidii loogu talagalay.

“Ciidamadii Dowlada iyo kuwii Ehlu suna ee ku sugnaa Garbahaarey iyo inta kale ee Gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Col.Black Facayo oo ka tirsanaa Ehlu suna waana Wareegto ka soo baxdey wasaarada Gaashandhiga ,weyna dhaqan gashey,ma garanayo sababta ka dambeysa Jamaal oo ahaa taliyahii hore oo 15 askari la aadey Baladxaawo in laga dhigo in Ciidamo ka badan 500 in ay ka tageen Garbahaarey waa arin la yaab leh.

 

Col.Cabdi Bare ayaa sheegay mudadii labada sano ahayd ee ay ku sugnaayeen Garbahaarey in aysan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galey Ciidamada,isbedelna wuu imaan karaa oo waxaan hoos tagnaa ayuu yiri Dowlada Soomaaliya ,waxaan uga digeynaa kuwa fidnada wada in ay joojiyaan beenta ay qorayaan.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka Gobolka ayaa waxuu ku soo beegmayaa xilli maalmahii ugu dambeeyey warbaahinta qaar ay faafiyeen warar aan loo meel dayin oo ku aadan in Boqolaal ciidan iyo gadiidkooda in ay baxeen fariisimahii ciidamada ee Garbahaarey.