Waxaa caawa Isbitaalka Ciidamada Kenya ee ku yaal gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku geeriyooday sarkaalkii 4-aad ee ciidamo beeleedka Raaskanbooni ee labadii maalmood ee la soo dhaafayey dagaal kula galay gudaha magaalada Kismaayo ciidamada Madaxweyne Iftiin Xasan Baasto.
Sarkaalkan maanta oo u dhintay dhaawac soo gaaray Shalay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulaahi Cawil wuxuuna ahaa Madixii sirdoonka ama PIS-ta Ciidan beeleedka Raaskambooni waxaana sarkaalkan uu dhaawac culusi kaga dhacay dhinaca wadnaha iyadoo maalinimada beri ah lagu waday in loo duuliyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loo soo daaweeyo.
Sarkaalkan ayaa noqonaya sarkaalkii 4 aad ee Ciidan beeleedka Raaskambooni ee soo haligay Axmed Madoobe ay ku waayaan dagaaladii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo waxaana hore u geeriyooday saraakiil kale oo lagu kala magacaabi jirey Col: Cawil Aadan Halac oo ahaa taliyihii amaanka ciidan beeleedka Raaskambooni oo saaka isagu dhaawac u dhintey waxaana ka horeyey sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegey Cabdi Muuse oo isagu dagaalkii shalay ku geeriyooday waxaa kale oo ka horeyey sarkaalkii dagaalku ka bilowday oo isaga magaciisa lagu koobay Col Cago Dhiig.
Raaskambooni ayaa dagaaladii labada maalmood ka socday gudaha magaalada Kismaayo waxa ay ku weyday oo kaga dhintay saraakiil laf dhabar u ahaa duulaankooda Dhul-boobka ah ee ay ku raadinayaan qabsashada waxa ay ugu yeeraan Jubaland waxaana sidoo kale dhaawacyo culusi ka soo gaareen ciidamo badan oo kooxda Axmed Madoobe ee Raaskanbooni ay kasoo khaldeen deegaamada ay Soomaalidu degto ee Itoobiya iyo Kenya.
Ugu dambeyntii waxaa talabadan imaanaysaa xilli galabta waxgaradka magaalada kismaayo ku guuleysteen inay kala qadaan kooxihii dirirtu u dhexeysay isla markaasna ay ugu baaqeen inay miiska wada hadalka ku dhameeyaan muran kasta oo u dhexeya si shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo nabad loogu helo.