9 Ruux oo lagu soo eedeeyey in ey yihiin Burcad badeed oo maanta lagu xukumey Dalka Kenya

0
83

courtMaxkamada dalka Kenya ayaa xukuno sanado ah ku riday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Maxkamadu ay ku eedeysay inay ku kaceen falal burcad badeednimo.

Ragaan ku eedeysan falalka burcad badeednimada ayaa dowlada Kenya waxay sheegtay inay isku dayeen Afduub ay u geystaan Markabka MV Magellan Star kaasi oo marayay xilligii la weerarayay Gacanka Cadan bishii Septemper sanadkii 2010.

Sagaalkaan Qof ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Caalamiga ee la dagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda Soomaalida u jooga xeebaha Soomaaliya iyagoo ku wareejiyay dowlada Kenya si halkaasi loogu Maxkamadeeyo..

Dacwad oogayaasha ayaa Maxkamada u sheegay in Ragaan eedeysanayaasha ay weerar hubeysan ay ku qaadeen Markabka iyagoo istcmaalaya qoryaha daran dooriga u dhaca si afduubkooda uu u hirgalo.

Dhamaan sagaalka ruux ee la soo eedeeyay ayaa beeniyay eedeynta loo soo jeediyay,waxaana si qaas ah loogu hayay xabsi Kenya ay leedahay.

 

Daafeet.Com