Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom oo maanta howlgalo ka wada Degmada Yaaqshiid

0
61

CiidanCiidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ballaaran oo guri guri ah waxa ay ka wadaan Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir.

Howlgalkaan oo siwadajir ah u fulinayaan ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka wadaan Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ilaa suuqa xoolaha qeybta xigta Degmada Yaaqshiid.

Howlgalkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay howlgalo joogto ah oo ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay joogteeyeen muddooyinkaan dambe.

Dad badan ayeey ciidanka iska soo qabtaan,iyaga oo goobo kala duwan isugu geeya kadibna kala saarid ku sameeya, halka dadka lasoo qabtay intooda badan lasii daayo, kuwa kalena oo tuhunada uu galo la xiro.

Howlgaladan ey fuliyaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ayaa ah kuwo lagu bartimaameysto dhalinyarada ey dadoodu aad u yar tahay yagoo cabsi looga qabo ine ey la shaqeeyaan Alshabab.

Daafeet.Com