Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan ay shalay baarlamaanku ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xubno ka tirsan baarlamaanka ay u diri doonaan dalka Koonfur Afrika si ay u soo qiimeeyaan xaaladda jaaliyadda Soomaalida ah ee halkaas ku dhaqan.
Jawaari ayaa tilmaamay sida baarlamaanka Soomaaliya uu uga xun yahay dhibaatada iyo dilalka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka koonfur Afrika, isagoo sheegay in baarlamaanku uu guda galayo sidii xal loogu heli lahaa Soomaalida ku dhibaataysan dalkaasi.
Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si deg-deg ah u qaaddo tallaabo diblamaasiyadeed iyo qaab kasta oo u saamaxaya inay ku joojiso waxyeellada ummadda Soomaaliyeed, ayna taageerto qoysaska ay dhibtu soo gaadhay.
Dalka koonfur Africa ayaa waxa uu noqdey dalka sida weyn loogu gumaado somalida kol dhow ayay aheyd kolkii video caalamka oo dhani ka noxo laga soo duubey dalka Koofur Africa video-gaas oo laga arkayey wiil yar oo somali ah oo dhagax lagu diley.
Daafeet.Com