Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay warbaahinta, kadib markii uu dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda ay suurtagelisay in dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyada kasoo gaareen Kismaayo la keeno Magaalada Muqdisho.
“Maalmihii lasoo dhaafay dhibaatadii xooga badneynd ee ka dhacday Magaalada Kismaayo, kuwa badan ayaa naftooda ku waayeen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, dhaawacyadii kuwii ugu cuslaa waan soo qaadnay eheladooda ayaa naga codsadeen,dowladdana diyaarad ayeey kusoo qaaday”Ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga.
Dhaawacyada dadkaasi ayaa wuxuu sheegay in lagu dabiibayo isbitaalada ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho,Dowladdana halkaasi ay kaga warqabi doonto.
Wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaliya ay ku guuleesatay joojinta dagaalka ka dhacay Kismaayo,dhinacyadii dagaalamayna ay kala dhexdhigtay wadahadal.
Daafeet.Com