Alshabab oo xaley weerar ku qaadey Degmada Baydhaba

1
64

shababAl-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abbaare 11:00 habeenimo waxay weerar ku qaadeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda cunaaye oo ka mid ah xafadaha ay ka kooban tahay degmada Baydhabo halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo isugu jira kuwo madani ah iyo kuwa booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa saldhigga degmadaas.

Dagaalka ayaa wuxuu socday muddo saacad ah iyadoo magaalada oo dhan laga maqlay hugunka hubka ay labada dhinc is-dhaafsanayeen, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo halis ah , waxaana jira dhimasho aan la xaqiijin tiradeeda.

Ma jiro mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo oo ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab xalay kusoo qaadday degmadaas.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Ascw. Coments @ daafeet.com Waxaan jeclahay fadlan in boggaan lagu soo xaalada guud ee degmada w/weyn iyo tuulooyinka. Sida.maamulka nabad gelyada. Siyaasada arimaha bulshada .caafimaadka. Beeraha .xoolaha.biyaha.kaalmada baniaadanimo dib u dhiska ee lagu talaabsaday mudooyinkan dambe.saameynta dowlada federaalka soomaaliya. Jwc

Comments are closed.