Hay'ada Xuquuqda Adanaha oo ugu baaqdey Barlamanka in ey dib u eegis ku sameeyaan Sharciga qabyada ah

0
49

human rightsHay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday baarlamaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya in uu dib u eegis ku sameeyo sharciga qabyada ee la doonayo in lagu soo dhiso guddi heer qaran ah oo qaabilsan dhowrista xuquuqda insaanka.

Warbixin ay hay’addu soo saartay shalay ayey ku sheegtay in loo baahan yahay guddi madax bannaan oo leh oggolaansho ballaaran iyo awood wax lagu dhaqan gelin karo.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya ay ka dooneyso inuu sameeyo dhageysi dadweyne, taasoo lagu dhageysanayo  aragtidoodda ku saabsan sharciga qabya qoraalka ah, lagana qeybgelinayo bulshada rayidka.

Leslie Lefkow oo ah ku xigeenka agaasimaha Africa ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dhismaha guddiga qorshihiisu socda uu wax badan ka qaban karo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Daafeet.Com