Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamedoo magaalada Nairobi ugu warramay wargeyska Standard ayaa sheegay in dhismaha maamulkooda uusan ahayn mid ay ka dambeyso Kenya.
Sheekh Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay mid ay soo doorteen dadka deegaanka uuna yahay maamul si toos ah ula shaqeynaya dowladda Soomaaliya oo aan doonayn inuu Soomaaliya ka go’o.
Sidoo kale, Sheekh Axmed wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan aysan jirin wax taageero ah oo ay ka helaan, isagoo beeniyay inay taageereen xilligii ay dagaalladu ka socdeen magalada Kismaayo.
Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay inuu dowladda Soomaaliya ula shaqeynayo qaab federaaliisim ah oo uusan doonayn inuu noqdo maamul ka go’a Soomaaliya inteeda kale.
Daafeet.Com