Shir weyn oo isugu yomaadeen Somali Bantu ayaa waxaa lagu qabtey Dalka Mareykanka Magalada St Louis, Shirkani oo ujeedkiisa ahaa wadatashi ay qowmiyadda ka yeelaneysey arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka. Shirkaan waxaa kasoo qeyb galey Odayaal, Waayo-arag, Siyaasiyin, Dhalinyaro, Haween iyo culumaa’udiin.
Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Somali Bantu National Association Network oo uu gadoomiye ka yahay Sheikh Abdirahman Weliyow, waxaana looga arrinsaday shirka horumarinta bulshada iyo Jaaliyadda Somali Bantu ee ku dhaqna waddanka mareykanka.
Sanadkaan waxaa ku soo kordhay shirka wadatashiga arrimaha Soomaliya gaar ahaan Jubbooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya.
Dadka shirka kasoo qeybgaley waxay marka hore cambaareeyen dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna ugu baaqeen dadka dagaallamaya in ay si degdeg ah dagaallada u joojiyaan ee si loo badbaadiyo dadka degaanka.
Waxaa kale oo ay Dowladda federalka ugu baaqeen in ay tillaabo kasta oo macquul ah qaaddo si shacabka iyo maatada u badbaadaan, Sababtoo ah dadka meesha ku dagaalamaayo caruurtoodo iyo haweenkooda kuma dhimanaayaan ee waxaa meesha ku dhamaanaayo waa dadka deegaan u dhashey.
Waxaa meesha ka hadley masuuliyiin ka kala soctey hay’adaha Somali Bantu. Waxaa ka midka ah Guddoomiyaha guud ee Beesha Shambare Osman Hussien Soonjo iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Somali Bantu ee magaalada Phoenix, Arizona Abdi Mudasir (Abdi Muda).
Daafeet.Com