Golaha Amanka ee Qaramada Midoobey oo war saxaafadeed kasoo saarey arimaha Jubooyinka

0
37

securityGolaha ayaa war-saxaafadeedka soo saaray kaddib markii uu warbixin ku saabsan gobollada Jubbooyinka ka dhageystay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Tayé-Brooke Zerihoun.

Golaha Amaanka ayaa ka codsanaya qeybaha ay khuseyso xasaradda ka jirta gobollada Jubbooyinkla inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannadaas.

Wuxuu u soo jeediyay Golaha dhinacyada ay xurguftu ka dhexeyso inay la shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka aloosan Kismaayo, hoosna loogu dhigo xaaladaha cakiran ee dhinaca bini’aadannimada.

Golaha Ammmaanka ayaa sheegay inuu taageersan yahay horumarka wax ku oolka ah ee ay waddo dowladda Soomaaliya iyadoo dhowreysa qarannimada iyo xudduudaha dhulka, isla markaana wuxuu soo dhoweeyay dowrkeeda hoggaamineed ee dib-u-heshiisiinta khilaafaadka Jubbooyinka iyagoo taageero ka helaysa UNSOM iyo IGAD.

Daafee.Com