Kulan golaha wasiirrada xukuumada Somalia ay ku yeesheen Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd ayay ku go’aamiyeen in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay gacanta ku haysay saddexdii sano ee lasoo dhaafay shirkad lagu magacaabo SKA.
Wasiirka waraafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumada Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo kaddib kulanka la hadlay wabaahinta ayaa sheegay inay kasoo baxeen shirkii golaha wasiirrada dhowr qodob oo ay ka mid tahay in lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in go’aannadii ay golaha wasiirradku ku gaareen shirkooda uu ka mid yahay in deeqaha ee dalka soo mara lasoo mariyo wasaaradda arrimaha Maaliyadda iyo Lacagta, isagoo sheegay inaan la ogolaan doonin in deeqaha la marsiiyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
Wasiirku wuxuu sheegay in sidoo kale lagu ansixiyay shirkii golaha wasiirrada sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada, kaasoo uu xusay in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin gudaha dalka ah iyo inay soo noqoto karaamadii Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in la isku raacay in lasoo celiyo dabaal-dagyadii loo sameyn jiray maalinta Qarannimada dalka isagoo xusay in 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ay dhici doonaan dabaal-dagyo lagu weynaynayo maalmahan.
Daafeet.Com