Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada ee Somaliland oo sheegey in aan laga furi doonin Somaliland Xafiis ey leedahay UNSOM

0
49

somalilandWasiirka wasaarada arimaha dibada maamulka Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in xafiiska cusub UNSOM ee QM aan laga furi doonin magaalada Hargeisa iyo magaalooyinka kale ee maamulkooda, isagoona tilmaamay in xafiiska uu wada shaqeyn dhow la yeelanayo wasaarada arimaha dibada ee dowlada Fedraalka sidaasi darteedna aysan suuragal aheyn in ay soo dhaweeyaan.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay in xanibaadii ay kusoo rogeen diyaadaha QM weli ay sidoodii tahay laakiin ay fasaxeen diyaaradaha saheyda gargaarka sida, waxa uuna tilmaamay in codsi kaga yimid QM kadib ay ogolaadeen arintaasi.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili maalinnimadii shalay magaalada Hargeisa ee maamulka Soomaaliland uu gaaray wakiilka cusub ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya kana howlgalaya xafiiska cusub ee UNSOM, isagoona kulan kula qaatay halkaasi madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxa ayna isla soo qaadeen labada dhinaca arimo ay kamid ahaayeen sidii xafiiska cusub ee UNSOM looga furi lahaa magaalooyinka maamulka Soomaaliland.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalada kasoo yeeraya Maamulka somaliland ayaa waxeynu oran karaa waa mid la iska yiri sababtoo ah go,aano badan oo ey gaareen maamulka somaliland oo ey ka qaateen arimaha somaliya ayaa waxaa dhacdey in ey dib uga laabteen.

Daafeet.Com