Duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa xalay ka dhacay iskahorimaad u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga A-shabaab, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay.
Iskahorimaadkan ayaa qarxay kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgallo halkaas kawaday, iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Siidii uu sheegay inuusan jirin khasaare dhankooda soo gaaray.
Sidoo kale, dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan dowladda Somalia ayaa waxaa ku dagaalamay deegaanka Muuri ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo la sheegay in ciidammadu ay u kala safan yihiin hab beeleed.
Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose iyo degmada Afgooye ayaa ugu baaqay ciidamadaas inay dagaalka joojiiyaan, iyagoo sidoo kalena uga digay ciidamada kale ee dowladda inay wax lug ah ku yeeshaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee ciidamadan ku sugan gobolka shabeelaha hoose ayaa wexey u kala fadhiyaan qaab beeleedyo ayagoo intoodaba badan aan u dhalan deegan eyna ka yimaadeen deegaano kale.
Daafeet.Com
Somalia qofkii u maleyna In wax dowladnimo ah Ay ka soo dhowyihiin waxa uu ku jiraa riyo waxa iga talo ah dulmiga dhulbalaarsiga ah hala diido.hammiga ninka gobolada dhexe ka yimid oo dowlladda shaarkeeda huwan oo ay ayadana meesha ku ogtahay waa dulmi dulmi ugu gargaar.
Comments are closed.