Qarax maanta ka dhacay Degmada Wanlaweyn

0
57

qaraxWararka aynu dhawaan ka helney Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay masuuliyiin kamid ah maamulka Degmada,waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la ogyahay labo ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaasi,sida sheegay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wanlweyn Nuur Axmed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi oo faah-faahsana ayuu sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan.

 

Daafeet.Coma