Shirkadda duullimaadka ee Air Uganda ayaa shaaca ka qaadday inay siddeedda bisha July ee soo socota billaabeyso duullimaad toos ah oo ay ku tageyso magaalada Muqdisho.
Shirkaddu waxay xaqiijisay in duullimaadyadaas oo toddobaadkii saddex jeer ah ay yihiin kuwo aan hakad lahayn oo ay isaga kala gooshi doonto garoomada diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho iyo Entebbe ee dalka Uganda.
Duullimaadyadaas ayaa la sheegay haddii la hirgeliyo inay ka faa’ideysan doonaan shaqaalaha dowladda iyo ganacsatada labada dal oo la tilmaamayo inuu sii xoogeysanayo xiriirkooda.
Horraantii bishii March ee sanadkii hore ee 2012 Turkish Airlines ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay oo duullimaadyo heer caalami ah dib uga billowda magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com