Barakacayaasha Garbahaarey oo codsanaya gargaar

0
59

luuk

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoysaskan Barakacayaasha ah ee ku jira ilaa 3 xero ee ku yaala Duleedka Magaalada Garbahaarey Xerooyinka Towfiiq,kaabaay iyo Garka day  oo dhammaantood ku yaalla duleedka Degmada Garbahaarey ayaa waxaa ku jira ilaa 3000 qoys oo markoodii hore abaaro iyo colaado ay kasoo barakaciyiin gudaha Gedo, Gobollada Bay,Bakool iyo Jubbada Dhexe, sida Wadajir ay u sheegeen guddiga 3da Xero iyo Maamulka Degmada Garbahaarey..

 

Qoysaskani Barakacayaasha ah oo intooda badan deganaa Xeryaha Barakacayaasha ee Garbaharey mudo ku siman ilaa 2 sano ayaa dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan  ayaa waxay sheegeen inay qabaan baahiyo ay ka mid yihiin cunnada, hoyga iyo caafimaadka,mana jiraan ayey yiraahdeen ilaa iyo iminka  cid gargaar bini,aadinimo u fidisey Qoysaskaasi oo bilahii ugu dambeeyey la daala dhacayey daruufo qalafsan oo xaga nolosha ah ,

 

 

Macalin Xasan Mad-Mataan waxaa uu ka mid yahay Qoysaska ka soo barakacay degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay,kuna jira Xerada Garka geli ee duleedka Garbahaarey waxaana Radiyaha Wadajir u sheegay in xaalada nololeed ee Qoysaska barakacayaasha ee ku nool xeryahaasi in ay taagan tahay meelis halis ah,isagoona sheegay dadku in ay baahi weyn u qabaan sidii looga taageeri lahaa cunada ,hoyga iyo Caafimaadka .

Halkan ka dhegaysoBarakacayaasha Garbahaarey oo codsanaya gargaar,wadajir