Degmada wanleweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa shaley gelinkii dambe ka dhacay Qarax geystey dhimasho iyo dhaawac inta la ogyahay qaraxan ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 8 Ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 15 Ruux.
Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay mid ka mid ah Maqaaxiyadaha shaaha laga cabo ee degmada wanlaweyn, Qaraxan ayaa maamulka degmada iyo kan Gobolkuba ey ku eedeeyeen in ey ka dambeeyaan Kooxaha Alshabab.
Degmada Wanlaweyn oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellada hoose oo ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya ayaa waxayna 90-km dhinaca galbeed kaga began tahay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan sababta keentay qaraxa.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn walaxda qaraxa sameysay ayaa haddana waxay wararku sheegayaa inuu ahaa miino halkaas lagu sii qariyay, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca degmadaas.
Daafeet.Com