Taliyaha Ciidamada Amisom ee gobolka Hiiraan oo deeq Darees gaarsiiyey Ciidanka Boliska ee Gobolka Hiiraan

0
39

Col cusmaan DubadTaliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Dubbad ayaa deeqda gudoonsiiyay booliska degmada Beledweyne, waxaana munaasabadda ka qeyb galay mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne.

Col. Cusmaan Dubbad ayaa sheegay in deeqda ay tahay mid billow ah, wuxuuna booliska degmada Beledweyne ku ammaanay wada shaqeynta ay u muujiyeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISIOM.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim ayaa deeqda kala wareegay taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan, wuxuuna mahadcelin u jeediyay ciidamada Jabuuti ee ka howlgalaya gobolka.

Ciidamada booliska ee degmada Beledweyne ayaa waxaa kaloo loo qeybiyay calaamado gaar ah oo lagu aqoonsado iyo isgaarsiin lagala soo xiriiri karo markii ay arrimo deg dega dhacaan xilliyada xaaladaha deg-degga.

Daafeet.Com